Posts

Terms and conditions — Immigration, Refugees and Citizenship Canada - Canada.ca

Terms and conditions — Immigration, Refugees and Citizenship Canada - Canada.ca
Image
Dayuuradaha Kenya oo duqaymo rayid wax ku noqdeen ka gaystey Gedo (Arrin xadgudub ah oo ay sameeyeen & magacyada meelaha  - June 3, 2021 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqaymo ay dayuuradaha Kenya ka gaysteen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo laga soo sheegayo khasaare nafeed oo rayidka gaarey iyo burbur hantiyeed. Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Xogo ku dhow degaannada la duqeeyey ayaa sheegaya in ilaa haatan la ogyahay geerida hooyo Sahra Aadan Warsame iyo 2 carruur ah oo ay dhashay, halka ay dhaawacmeen 3 carruur ah oo kale oo ay isla iyadu dhashay, weliba dhaawacyo halis ah. Qof kale ayaa isna dhaawaciisa la sheegay  Duqaynta ayaa lala beegsaday guryo ay dad shacabka ah deganyihiin hooyo ayaa ku dhimatay 5 caruur ahna waa la dhaawacay ciidanka Kenya ayaa ka dambeeya” ayuu u qof goobjoog ihi u sheegay Radio Mustaqbal oo ...

DF Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay Midowga Afrika, waxay ku diiday in uu John Mahama oo maalmo ka hor loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in uu xilkaas qabto, waxayna sheegtay in aan Soomaaliya looga baahneyn, sida lagu cadeeyey warqad ay dirtay wasaaradda Arimaha dibada ee Soomaliya.Dawladda Faderaalka ayaa ku eedeysay in John uu xariir dhaw la leeyahay Madaxda dalka Kenya, oo ay isku hayaan dawladda Faderalka arrimaha la xariiro Madax banaanida gudaha Soomaaliya.DF Soomaaliya, ergayga waxay sheegen in aan lagala tashan oo aan la marin nidaamka Diblumaasiyadda iyo sharuucda Midowga Afrika ee magacaabida xubnaha diblumaasiyadda.John, ayaa horey looga soo eryay dalka Sierra Leone , markii lagu eedeeyey in uu faragaliyey arrimaha doorashoyinkaas dalkaas, xiligaas oo uu hogaan u ahaa Guddi kasocday Kormeryaasha Doorashooyinka ee Ururka Barwaaqo-Sooranka.

Image

Nin Falastiini ah ayaa taallada masjidka Dome of the Rock ka sameeyay rasaas caag ah iyo bambooyin qiica ee booliska Israa’iil ay maanta u adeegsadeen banaanbaxayaasha Falastiiyiinta."Waxaan tan u sameeyay si aan adduunka u tuso xaddiga hubka loo adeegsado dadka aan hubeysnayn," ayuu Muhammad Abii Cali oo 39-jir ah u sheegay Al Jazeera English.Isaga oo isticmaalaya isla cadad badan oo xabadda canjirka ka sameysan ah, dusha sarre ee farshaxanka ayuu kaga qoray erayo Af Carabi ah oo macnahooda oo noqonayo "ma dhaafi doontiin".

Image

Boqolaal qof oo ku dhaawacmay howlgallo Israa’iil ay ka fulisay masjidka

Image

Natiijada imtixaanka KCSE-da oo galabta lagu dhawaaqayWasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa gor dhaweyd shaaca ka qaaday natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da.16 cisho ka hor ayay ahayd markii ardaydii u fadhiistay KCSE-da ay dhameeyeen imtixaanka.Mr Magoha ayaa sheegay in ardayda sanadkan u fadhiisatay KCSE-da ay ka natiijo wanaagsanyihiin kuwii sanadkii hore.Simiyu Robinson Wanjala ayaa noqday ardayga ugu horreeya ee Imtixaanka KCSE-da ee maanta la shaaciyay, isagoona helay 87.334 dhibcood oo ah bundada A (Plain).Ardaygan ayaa dhiganayay dugsiga sare wiilaasha ee ismaamulka Murang’a.Waxaa kaalinta labaad soo galay arday lagu magacaabo Wasonga Allan oo helay, 87.173 oo sidoo kale ah bundada A.Ardayda kale ee uu ku jira 10-ka ugu horreeyay ee imtixaanka KCSE-da ayaa kala ah Sharon Chepngeno 87.173, Rob Ongare, 87.173. Mbugua Esther, 87.113, Kipkoech Mark, 87.106, Kenneth Orange, 87.049, Henry Madaga, 87.046, Patience Chepkorir, 87. 046, Musomba Edith, 87.013 waxaa ayna dhamaantood wada heleen buundada ugu wanaagsan A (Plain).893 arday ayaa helay buundada ugu wanaagsan ee (A Plain) halka sanadkii hore ay ahaayeen 627.143,140 oo arday ayaa helay buundada lagu aada jaamacadda ee C+ iyo wixii ka sarreeya una dhiganta boqolkiiba 19.03 ardaydii imtixaanka u fadhiistay.19 maaddo ayay ardayda sanadkan ay natiijo wanaagsan ka keeneen marka la barbardhhigo sanadkii hore.Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegay in 287 arday laga kansalay natiijooyinkoodii ka dib markii lagu helay in imtixaanka qisheen.223 oo ah arday baahiyaha gaarka qaba ayaa helay buunda C+ iyo wixii ka sarreeya ee jaamacadaha lagu aado.Natiijada maanta la shaaciyay ayaa ahayd midii sanad dugsiyeedkii 2020-kii oo ay ardayda sameeyeen Intii u dhaxeysay bilihii saddexaad iyo afaraad ee sanadkan saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay jadwalka waxbarasho ee wadanka awgeed.Sanadkan waxaa imtixaanka KCSE-da sameeyay arday dhan 752,933.Imtixaanka ayaa lagu sameeyay 10, 437 oo xarumood.Dhanka kale waxaa maanta xilka xoghayaha joogtada ee waaxda cusub dhaqangelinta isbeddellada la xiriira manaahijta waxbarashada loo dhaariyay Prof. Fatuma Chege.

Image

Dalka Maali Hooyo 25 jir ah oo lagu magacaabo Xaliima Ciise ayaa xidhay rikoodhkii dunida ee mataanaha kaddib markay dhashay sagaal cunug; shan gabdhoodh iyo afar wiil.Hooyada iyo ilmeheedaba wey caafimaad qabaan sida ay maanta sheegtey dowladda dalkaas.Sidee u aragtaa?

Image

John Mahama Madaxweynihii hore ee dalka Gaana ayaa noqon doona sida ay xoguhu cadeynayaan Wakiilka rasmiga ah ee gaarka ah ee Midowga Afrika ugu xilsaaran doorashooyinka Soomaaliya.Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u dalbaday in Midowga Afrika ay dhexdhexaadiye ka noqdaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.Mahama ayaa xilka Ghana ugu sareeya qabtay, 24 July 2012, wuxuuna wareejiyey 7 January 2017, Todobaadkan ayuu noqon doonaa Ergay gaar ah oo Midowga Afrika ugu xilsaarnan doona Is fahamsiinta dhinacyada Soomaalida oo isku haya doorashooyinka.

Image

Madaxweynaha Dawladda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka dawladda UK ayaa maanta wadajir u daahfuray Wado cusub oo samxada ama dhaqdhaqaaqa ka yareynaysa Bartamaha magaalada Caasumada ah ee Hargeysa.Wadada ayaa qeyb ka ah Mashruuca Berbera Iyo Itoobiya, kaas oo si weyn shaqadiisu u socoto.Somaliland ayaa gaartay horumar-weyn oo laxariira Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Doorashooyinka, taas oo muujinaysa horusocodka mandiqada.

Image

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar oo yeeshay kulan qadka Tafeelanka ah ayaa kawadahadlay iskaashiga labada dalMadaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan qadka taleefanka amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo marxalada kala guurka dalka gaar ahaan ariimaha doorashooyinka dalka kuwaasi oo ku saleysan dimuqraadiyad nabadeed.https://twitter.com/Mohamed gardheere

Image

Uhurru Kenyatta iyo Xaaskiisa ayaa qasriga Madaxtooyada Kenya kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalka Tanzania Samia Hassan.

Image

3 muwaadin oo u dhashay dalka Cameeroon oo lagu qabtay lacag iyo dahab been abuabuur ah

Image

RW Rooble ayaa magacaabay Gudiga katalo-bixinta arimaha Ciidanka iyo dhibkii ka dhacay magaalada. Mogadishu

Image

MASAR, oo Diyaar Garow dagaal kujirta 8-Hub oo ay diyaarsatay! Kuna wajahayso Biyo-Xireenka Itoobiya!

Image

XOG:- Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa caawa 9:00 Pm kulan la leh qaar kamid ah agaasimayaasha warbaahinta . marka laga soo tago in madaxwaynahu uga hambalyeeyo warbaahinta maalinta u gaarka ah hadana waxay xubnaha lagu casuumay sheegeen in lagala hadlayo sida warbaahinta ay uga gaabsan lahayd ka hadalka wararka madaxwaynaha ka dhanka ah ee dhibaya.Sidoo kale ayaa waxaa kulankaas looga hadlayaa doorka warbaahinta & xaalada cakiran ee siyaasad ahaan dalka ka taagan.Madaxda Soomaalida waxa lagu yaqaana inay warbaahinta la kulmaan labo goor , waa marka ay ololaha ku jiraan & marka waqtiga xafiisku ka dhammaado.

Image

Wasiiru dowladaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Xirsi Jaamac Gani ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble in uu xilalka ka qaado Taliyeyaasha Ciidamada.Wasiir Xersi oo qoraal soo dhigay Barta Barta twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha looga baahan yahay in uu adeegsado awoodiisa Dastuuriga ah, isla markaana uu dhamaan xilalka ka qaadao Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.“ Sida ku cad qodobka 99aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa ku jira xuquuqda RW iyo laantiisa fulinta inay dalacsiiyaan ama shaqada ka eryaan taliyayaasha ciidamada. Waxaan kula talinayaa Ra’iisul Wasaare Rooble inay tahay inuu adeegsado awoodiisa si uu faa iidada ugu helo mideynta ciidamada ayuu yiri” Xersi Gaani.Wasiirka Warfaafinta Jubbaland cabdi Xuseen Maxamed ayaa shalay sheegay in Jubbaland weli ay shaki ka qabto Saraakiisha Ciidamada, isla markaana ilaa Farmaajo uu si rasmi ah uu ugu wareejiyo amniga dalka Ra’iisul Wasaaraha aysan ka qeyb galeyn shirar looga hadlayo Arrimaha doorashada.Dhowr jeer ayaa Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Midowga Musharixiinta ay dalbadeen in xilalka laga qaado Taliyeyaasha Ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u adeegsaday Arrimo siyaasadeed kuna weeraray Madaxdii hore ee Soomaaliya.

Image