Posts

DF Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay Midowga Afrika, waxay ku diiday in uu John Mahama oo maalmo ka hor loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in uu xilkaas qabto, waxayna sheegtay in aan Soomaaliya looga baahneyn, sida lagu cadeeyey warqad ay dirtay wasaaradda Arimaha dibada ee Soomaliya.Dawladda Faderaalka ayaa ku eedeysay in John uu xariir dhaw la leeyahay Madaxda dalka Kenya, oo ay isku hayaan dawladda Faderalka arrimaha la xariiro Madax banaanida gudaha Soomaaliya.DF Soomaaliya, ergayga waxay sheegen in aan lagala tashan oo aan la marin nidaamka Diblumaasiyadda iyo sharuucda Midowga Afrika ee magacaabida xubnaha diblumaasiyadda.John, ayaa horey looga soo eryay dalka Sierra Leone , markii lagu eedeeyey in uu faragaliyey arrimaha doorashoyinkaas dalkaas, xiligaas oo uu hogaan u ahaa Guddi kasocday Kormeryaasha Doorashooyinka ee Ururka Barwaaqo-Sooranka.

Image

Nin Falastiini ah ayaa taallada masjidka Dome of the Rock ka sameeyay rasaas caag ah iyo bambooyin qiica ee booliska Israa’iil ay maanta u adeegsadeen banaanbaxayaasha Falastiiyiinta."Waxaan tan u sameeyay si aan adduunka u tuso xaddiga hubka loo adeegsado dadka aan hubeysnayn," ayuu Muhammad Abii Cali oo 39-jir ah u sheegay Al Jazeera English.Isaga oo isticmaalaya isla cadad badan oo xabadda canjirka ka sameysan ah, dusha sarre ee farshaxanka ayuu kaga qoray erayo Af Carabi ah oo macnahooda oo noqonayo "ma dhaafi doontiin".

Image

Boqolaal qof oo ku dhaawacmay howlgallo Israa’iil ay ka fulisay masjidka

Image

Natiijada imtixaanka KCSE-da oo galabta lagu dhawaaqayWasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa gor dhaweyd shaaca ka qaaday natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da.16 cisho ka hor ayay ahayd markii ardaydii u fadhiistay KCSE-da ay dhameeyeen imtixaanka.Mr Magoha ayaa sheegay in ardayda sanadkan u fadhiisatay KCSE-da ay ka natiijo wanaagsanyihiin kuwii sanadkii hore.Simiyu Robinson Wanjala ayaa noqday ardayga ugu horreeya ee Imtixaanka KCSE-da ee maanta la shaaciyay, isagoona helay 87.334 dhibcood oo ah bundada A (Plain).Ardaygan ayaa dhiganayay dugsiga sare wiilaasha ee ismaamulka Murang’a.Waxaa kaalinta labaad soo galay arday lagu magacaabo Wasonga Allan oo helay, 87.173 oo sidoo kale ah bundada A.Ardayda kale ee uu ku jira 10-ka ugu horreeyay ee imtixaanka KCSE-da ayaa kala ah Sharon Chepngeno 87.173, Rob Ongare, 87.173. Mbugua Esther, 87.113, Kipkoech Mark, 87.106, Kenneth Orange, 87.049, Henry Madaga, 87.046, Patience Chepkorir, 87. 046, Musomba Edith, 87.013 waxaa ayna dhamaantood wada heleen buundada ugu wanaagsan A (Plain).893 arday ayaa helay buundada ugu wanaagsan ee (A Plain) halka sanadkii hore ay ahaayeen 627.143,140 oo arday ayaa helay buundada lagu aada jaamacadda ee C+ iyo wixii ka sarreeya una dhiganta boqolkiiba 19.03 ardaydii imtixaanka u fadhiistay.19 maaddo ayay ardayda sanadkan ay natiijo wanaagsan ka keeneen marka la barbardhhigo sanadkii hore.Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegay in 287 arday laga kansalay natiijooyinkoodii ka dib markii lagu helay in imtixaanka qisheen.223 oo ah arday baahiyaha gaarka qaba ayaa helay buunda C+ iyo wixii ka sarreeya ee jaamacadaha lagu aado.Natiijada maanta la shaaciyay ayaa ahayd midii sanad dugsiyeedkii 2020-kii oo ay ardayda sameeyeen Intii u dhaxeysay bilihii saddexaad iyo afaraad ee sanadkan saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay jadwalka waxbarasho ee wadanka awgeed.Sanadkan waxaa imtixaanka KCSE-da sameeyay arday dhan 752,933.Imtixaanka ayaa lagu sameeyay 10, 437 oo xarumood.Dhanka kale waxaa maanta xilka xoghayaha joogtada ee waaxda cusub dhaqangelinta isbeddellada la xiriira manaahijta waxbarashada loo dhaariyay Prof. Fatuma Chege.

Image

Dalka Maali Hooyo 25 jir ah oo lagu magacaabo Xaliima Ciise ayaa xidhay rikoodhkii dunida ee mataanaha kaddib markay dhashay sagaal cunug; shan gabdhoodh iyo afar wiil.Hooyada iyo ilmeheedaba wey caafimaad qabaan sida ay maanta sheegtey dowladda dalkaas.Sidee u aragtaa?

Image

John Mahama Madaxweynihii hore ee dalka Gaana ayaa noqon doona sida ay xoguhu cadeynayaan Wakiilka rasmiga ah ee gaarka ah ee Midowga Afrika ugu xilsaaran doorashooyinka Soomaaliya.Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u dalbaday in Midowga Afrika ay dhexdhexaadiye ka noqdaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.Mahama ayaa xilka Ghana ugu sareeya qabtay, 24 July 2012, wuxuuna wareejiyey 7 January 2017, Todobaadkan ayuu noqon doonaa Ergay gaar ah oo Midowga Afrika ugu xilsaarnan doona Is fahamsiinta dhinacyada Soomaalida oo isku haya doorashooyinka.

Image

Madaxweynaha Dawladda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka dawladda UK ayaa maanta wadajir u daahfuray Wado cusub oo samxada ama dhaqdhaqaaqa ka yareynaysa Bartamaha magaalada Caasumada ah ee Hargeysa.Wadada ayaa qeyb ka ah Mashruuca Berbera Iyo Itoobiya, kaas oo si weyn shaqadiisu u socoto.Somaliland ayaa gaartay horumar-weyn oo laxariira Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Doorashooyinka, taas oo muujinaysa horusocodka mandiqada.

Image